| Qaab dhismeedka Maamul Goboleedka Jubbaland State |
|
|
|
| Written by Administrator |
| Tuesday, 19 February 2013 21:48 |
|
Magaalada Kismaayo waxaa ka socda qaban qaabo xoogan oo loogu jiro qabsoomida shirweynaha.Warsidaha Dhanaan.com waxaa soo gaadhay warar hordhac ah oo qeexaya tirada xildhibaanada,wasiirada iyo hogaanka maamul goboleedka Jubbaland state. Magaca maamul goboleddka:Jubbaland state Calanka :wali la iskuma waafaqin Caasimada:Kismaayo Tirada xildhibaanada:60 ama 70 Golaha wasiirada:10 Hogaanka maamul gobleedku wuxuu ka koobnaan doonaa madaxweyne iyo madaxweyne kuxigeen.Mudada ama maandheedka maamulka wuxuu jiri doonaa 2 ama 4 sanno kolba kan la isku raaco. Shirweynuhu wuxuu furmayaa 23/02/2013, waxaan qorshaysan in lagu soo afmeero mudo dhowr iyo toban maalmood ah. |















