| Gacan ku dhiiglihii dilay Sh. C/qaadir Nuur oo gacanta lagu dhigay |
|
|
|
| Written by Administrator |
| Saturday, 16 February 2013 03:47 |
|
Wararka hada naga soo gaaraya Garowe ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay gacan ku dhiiglahii dilay Allah u naxariistee Sh. C/qaadir Nuur Faarax oo tujinayay Saladii Casar, isagoo isku dayaya inuu ka baxsado goobtii.
Gacan ku dhiiglaha qaatilka ah ayaa la sheegay inuu ahaa nin dhalinyaro ah, waxaana ciidamada booliska oo kaashanaya shacabka magaalada Garoowe u suurta gashay in ay gacanta ku dhigaan danbiilhii iyo hubkii u uu isticmaalay dilka Sheekh Raximahulaah. Sh. C/qaadir Nuur Faarax ayaa ka mid ahaa Culimada ugu waa weyn dalka Soomaaliya iyo deeganada Puntland. Dadweynaha magaalada ayaa aad u kacsan kadib markii ay maqleen dilka waxashnimada ah ee loo geystay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax, waxaana ay dadweynaha koox koox u taag taaganyhiin wadooyinka iyo meelaha la isugu yimaado ayagoo hadal haya dilalka gaadmada ah ee lala beegsanayo waxgaradka iyo culumada Puntland, waxaana dadku ay isku guubaabinayaan in ay dagaal kala hortagaan kooxaha qowlesatada ah ee ugaarsanaya dadka Islaamka. |
| Last Updated on Saturday, 16 February 2013 03:59 |


















Comments
ILaaheey ha u naxariisto Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax
Waxaan la idinka rabaa inaad ka qayb qaadataan ololaha dowlada Mareykana looga codsanayo in aan hubka loo furin ama loo ogolaan dowladda Xasan Qoslaaye
Fiiriya websitkan:
https://petitions.whitehouse.gov/petition/somali-american-us-are-asking-our-government-oppose-lifting-arms-embargo-un-resolutions-731753/GyKcBZkc
Aama fiiriya www.waayaha.bet ama Puntlandi.com
RSS feed for comments to this post