Tacsi : Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun Suldaan Cabdi Suldaan Cali Sonkor oo Nairobi Geeriyooday PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Thursday, 31 January 2013 13:36

Waxaa Xalay Magaalada Nairobi Ku Geeriyooday Suldaan Cabdi Suldaan Cali Sonkor oo ahaa Suldaanka guud ee Aji ee Gobaladda Jubboyinka.

 

Allaha Naxariistii Janno haka Waraabiyee Suldaan Cabdi Suldaan Cali Sonkor ayaa beryahanba ku xanuunsanayay Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya. Maydka Suldaanka ayaa lagu aasi doonaa Magaalada Afmadow ee Xarunta Dhaqanka Gobalada Jubboyinka.Suladaanka ayaa waxay da’diisu aheyd 76 jir.

Ogaal Radio waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhamaan shacabka Gobalada Jubboyinka iyo Eheladii , qaraabadii iyo Xigtadii uu ka baxay Allaha u Naxariistee Suldaan Cabdi Suldaan Cali Sonkor, Samir iyo imaan allaha nagasiiyo dhamaanteena isaguna Naxariistii Janna Allaha ka waraabiyo Amiin Amiin Amiin.

Last Updated on Thursday, 31 January 2013 13:49
 

Add comment


Security code
Refresh