Gudiga Olombikada Soomaaliyeed oo is bedelay hal Beel PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Monday, 07 January 2013 21:17

Shirweynihii 6aad ee gudiga Olombikada Soomaaliyed ee GOS oo ah hey’adda ugu sareysa Sportiga dalka Soomaaliya ayaa lagu qabtey magaalada Muqdisho,iyadoo halkaasi lagu doortey madaxda afarta sano ee soo socota maamuli doona Gudigaasi oo ay hoos yimaadaan toboneeyo xiriir iyo ururo sports.

Waa xaq daradii ugu weynayda ee ka dhacda Spoortiga Soomaalida ayadoo dhisma gudigu uu dhamaan noqday hal Beel waana mid manta keenaysa in Soomaali aysan is aaminin.

Madaxdii goob jooga u ahayd shirweynahaasi oo ka socdey dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ahaa, Wasiir ku xigeenka iyo wasiiru dowlaha hor-umarinta iyo arimaha bulshada,Bashiir Maxamed Jaamac (bashiir Goobe) iyo Maxamuud Barkahdle,iyagoo halkaasi kasoo jeediyey qudbad ay ku cadeynayeen sida Gudiga olombikada iyo xiriiradiisa ay wada shaqeyn ula yeelan lahaayeen dowladda dalka ka jirta.

Maxamuud Axmed Nuur Tarzan oo ah gudoomiyaha maamulka Banaadir iyo Duqa Muqdisho ayaa halkaasi daaha ka rogey furitaankii shirweynaha isagoo ku nuux nuuxsadey in Muqdisho ay iminka marti gelin karto ciyaaraha caalamiga ah,iyadoo nabadgelyada ay tahay iminka mid leysku haleyn karo, isagoo balamn qaadey in uu taageeri doono guud ahaan Sportiga dalka,inkastoo uu kula dardaarmey in la joojiyo in magac ciyaaryahano lagu dhoofiyo shaqsiyaad caadi ah oo la iibsado. Waxaa wax aad looga xumaado ah in gudoomiyaha maamulka Banaadir mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarzan uu goob jog ka ahaa meesha xaqdaradaasi ka dhacayso.

Waxaa halkaasi laga aqriyey waxqabadkii gudiga Olombikada Soomaaliyeed mudadii 4-ta sano ahayd ee lasoo dhaafey,iyadoo xisaab iyo dhaqaale horey loo isticmaaley lagu sharxay qaab qoraal Video ah iyo aqrinba,

Ma jirin cid la tartameysay Musharixiinta u taagneyd jagooyinka Gudoomiye, Ku xigeennada ilaa xoghaynta, waxaana halkaasi codka ka bixinayey ilaa 18 ruux oo ka kala socdey xiriiro hoos taga GOS waxayna ku tusaysaa cadaalada laga sugaa Dowlada Xasan Sheekh Maxamuud in ay tusaale kaaga filantahay

 

Comments  

 
+1 #2 bogaadin Ogaal RadioHalyey khatumo state 2013-01-17 09:31
:oops:
Quote | Report to administrator
 
 
0 #1 bogaadin Ogaal RadioHalyey khatumo state 2013-01-17 09:28
maashaa alaah aqoonyahanadeen a khaatumo sidaas madaxeynaha cayda ugu wda ileen waa isagii wasaaradaha naga qadiyaye waa inaan caradeena la garan oo aan si walba dawlada ula dagaalnaa
Quote | Report to administrator
 

Add comment


Security code
Refresh