Ninkan Ma Xildhibaanbaa Mise Afhayeen u doodaya Kooxda Alshabaab PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Tuesday, 13 November 2012 12:47

Ninkan Xildhibaanka sheeganaya ee lagu magacaabo C/raxmaan Macalin Cali,dhowr bilood ka hor Waxuu ka soo horjeeday Alshabaabki Baledweyne laga saaray iyo Maamulkii dooxada Shabeele oo uu ku eedeynayay in ay yihiin Maleeshiya Baladweyne ku soo duulay oo beeshisa oo Shabaabka ka tirsaneyd dulmiyay oo Itoobiya iyo dooxada Shabeele ay ku soo duuleen.

Habeen hore waxuu ka soo horjeeday Ciidamada Jubboyinka ee Kismaayo shabaabka ka saaray , waxuuna ku doodayay in beeshiisa duulaan lagu yahay oo Kenya iyo beel ku soo duushay. Waxuuna ku Goodiyay in Wiilashii madmadoobaa ee Indhaha gadgaduudnaa dowlada Keeneyso daaroodna Utaanga la geeynayo, isagoo ku hadlaya Afka Madaxweynahe Xasan Culusoow.

Waxaa Muuqataa in ninkan uu yahay Kooxda Alshabaab isagaana isku cadeeyay, Waayo Maxuu mar kasta uga soo horjeedaa meel kasta oo Alshabaab laga xoreeyo, Beesha uu ka soo jeedo waa Wada Alshabaab, Haduu wax u tarayo muu ka soo reebo Alshabaab.

Mise waxuu u arkaa in ka kamid ahaansha Alshabaab beeshiisa ay ku heleyso saami ay xaq u laheyn, waayna ku heleen intaan ognahay. Laakiin waxuusan Ogeyn in Alshabaab Alqaacida tahay goob kasta iyo meel kastana lagula dagaalamayo, qabiil kasta oo ANSAAR ay u baxsadeen oo ay siiyeen Dhul aysan laheyna ay laf cad toobin ku hayaan.

 

Ugu dambeyn Ninkani ma Xildhibaanbaa mise Alshabaab.

 

Comments  

 
+2 #1 waxba ma ahaAFAARIQODA 2012-11-14 08:54
waa haad geed waayay hana layaabin waa nin wax uu sheegto la ha daad dhaysato wax uu dood kadhigayo ayad fahmi kartaa macno daradiisa ee fadlan yaan lagu mash quulin wax aan qiimo lahayn
Quote | Report to administrator
 

Add comment


Security code
Refresh