Maxay ka wada hadleen Madaxda Jubboyinka iyo kooxdi Shalay Muqdisho ka timid PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Saturday, 03 November 2012 12:35

Sidaad la socotaanba shalay Magaalada Kismaayo waaxaa soo gaaray Xuseen Carab Ciise oo dowladii Sheekh Shariif ku magacownaa Wasiirka Gaashaandhiga iyo C/qadir Sheekh Diini oo isaguna dowladii Sheekh Shariif ku magacownaa Taliyaha Ciidamda xooga dalka Soomaaliyeed.

Hadaba socdaalkan labadan shaqsi ayaa iyagu ku soo daba dhuuntay Saraakiil AMISOM ka socotay oo kormeer u timid magaalada Kismaayo maadaama ay Ciidamada AMISOM ku sugan yihiin.

Ma jirto wax siyaasad ah iyo Arima ku saabsan Jubboyinka oo laga wada hadlay, keliya waxay aheeyd ujeedadoodu Kismaayaan tagnay ee hanala arko. Saraakiisha Ciidamada Jubboyinka ahna Maamulka kumeel gaarka ah ee Jubboyinka ayaa si wanaagsan u soo dhaweeyay Wafdiga AMISOM iyo labadan shaqsi ee uu soo daba dhigay Madaxweyne Xasan Maxamuud Culusoow .

Ma jirto wax aan ka aheyn is tus iyo daawashada Magaalada Kismaayo iyo Ciidamada Xoreeyay ee ay meesha u yimaadeen, saacad ma dhameen intii ay joogeen, wax ka yar 10 daqiiqo ayay la kulmeen Ciidamada, 5 daqiiqo kooxda dhuxuleyda iyagoo dekada daawanaya la hadleen iyo intii ay magaalada dhex socdeen. Kadibna waa ay iska laabteen.

Muhiimadu waxay aheyd Saraakiisha AMISOM ee Kormeerka ku yimid iyo kuwa Jubboyinka iyo Saraakiisha kale ee AMISOM Kenya in ay is arkaan. Intaasi kadib Waxaa meesha joogay kooxdii dhuxuleyda oo iyagu doonayay in loo fasaxo dhuxusha si loo dhoofiyo.

Waxaa waxba kama jiraan ah wararka been abuurka iyo qiyaaliga ku saleysan ee ay faafinayaan Webabka Xasan Culusoow iyo Isbaheysigii Doxada Jubba(Alqaacida) ee Kismaayo laga xoreeyay ee Sheegaya in C/qadir Sheekh Diini Raskamboni ku yiri idinma aqoonsanin iyo wax Raskamobni la yiraahdo ma jirto. Maxuu yahay C/qadir Sheekh Diino, Raskambonise ma isagaay Aqoonsi uga baahantahay Maskiinkan waqtigiisa dhamaaday ee Xamar dhex fadhiya oon xitaa tagi karin deegaanadii uu u dhashay Sida Xuseen Carab Ciise, Maxaaba ka dhaxeeyaa, dhulkoodaay joogaan, waayna xoreysteen.

Jubboyinka ma ahan Caabudwaaq iyo Dhuusomareeb, Diini meeshaasaa uga baahan xoreyn iyo dowlad nimo.

Kooxdan dhuxuleeyda oo dhamaantood ka soo jeeday Beelaha gobalkan ku soo duulay ee ay ugu horeeyaan Isbaheysigii Dooxda Jubba iyo yam-yam iyo qadaad weyn badan , ayaa iyagu dalbaday in dhuxusha xayiraada laga qaado.

 

Waxaa hubaal ah in aysan jirin dowlad wax xayiraad saari karta ama ka qaadi karta, Kooxaha dowlada Sheeganaya waa kuwa dhuxusha gubay kana heli jiray dhaqaalaha, Haatana waxay u diidayaan in Kismaayo laga Dhoofiyo dhuxusha dekada Karooran, waxay ka xun yihiin Canshuurta laga qaadayo ee soo galeysa Gacanta Maamulka deegaanka ee Kismaayo ku sugan.

Dowlada Xasan Culusoow waay Ogoshahay dhuxusha in Laga dhoofiyo magaalada Baraawe oo ay gacanta ku hayaan Maleeshiyada ay Xulufada yihiin ee Alshabaab. Kooxda Ganacsatada lafteeda waxay dalbadeen in Baraawe loo fasaxo Dhuxusha hadii Kismaayo loo diiday, Halkaasi waxaa ka cad, in kooxahani oo dhan ay isku mid isku mowqaf yihiin.

Dhuxuleyda ayaa horey ugu soo jeediyay Maamulka Kismaayo in dowlada ay u Ogoshahay in ay dhuxusha ka Dhoofsadaan dekada Baraawe ee Alshabaab haystaan , balse aan loo Ogoleyn in ay Kismaayo ka dhoofsadaan. Kismaayo Markii shabaabka joogeen heshiis bay ku ahaayeen in laga dhoofiyo ,balse haatan ma doonayaan, Dhuxushiina waay rabaan in la Dhoofiyo oo ay iyagu dhaqaalo ka helaan.

Hadaba Maamulka Magaalada ayaa ayaa kooxda dhuxuleyda u fasaxay in ay mowqifkooda cadeeyaan oo ay la hadlaan kooxda Dowlada Muqdisho ka socota, Arintaasi waxay fashilweyn ku aheyd dowlada Xasan Maxamuud Culusoow , Kooxda Dhuxuleyda iyo Alshabaab xiriirka ka dhaxeeyo iyo in Baraawe loo fasaxo in ay ka dhoofsadaan.

Bal kawarama Maxay tahay faraqa u dhaxeeyo Baraawe iyo Kismaayo?. Jawaabtu waa Baraawe waxaa ku sugan nidaamkii iyagu taageersanaayeen ee Alshabaab. Kismaayana waxaa yimid dadkii asalka u lahaa ee wadna qabadka ku noqday dhamaan Isbaheysayadii dhulbaarsiga waday ee ku mamay dhaqaalaha ka soo geli jiray dekada Kismaayo iyo xaalufinta dhirta Gobalada Jubboyinka.

Kuwa Dhuxusha gubay, Kuwa dowlada Sheeganaya iyo Kooxda Alshabaab waa isku mid. Maamulka Magaalada Kismaayo gaar ahaan Raskamboniyiinta iyagaaba dhuxusha Dhoofinteeda Mamnuucay isla Markaasina gabi ahaanba soo xiray kaamamkii kooxahani Dhuxusha ku gubi jireen ee ku yaalay dhamaan deegaanada laga xoreeyay Cadowga.

 

 

 

Xigasho : Waamonews

 

Add comment


Security code
Refresh