| Wariyihii Universal TV oo Caawa Lagu Dilay Laascaanood |
|
|
|
| Written by Administrator |
| Wednesday, 24 October 2012 08:23 |
|
Waxaa caawa lagu dilay magaalada Laascaanood, Wariyihii Telefishanka Universal ee gobolka Sool, Axmed Saakin Faaraxoo lagu naaneysi jire Saakin . Marxuumka ayaa la dilay xilli uu sii geliyey guriga uu ka deganaa magaalada Laascaanood. Ma jirto cid loo qabtay dilka wariye Saakin oo noqonaya wariyihii ugu horeeyey ee lagu dilo gudaha laascaanood. Ogaal Radio waxaan tacsi u dirayaan dhamaan bahda saxaafada Khaatumo state iyo qoyskii uu ka geeriyooday marxuum Saakin. |
















