Dhalinyaro Soomaaliyeed Oo Isku Dishey Dalka Koonfur Afrika PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Monday, 22 October 2012 13:29

Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku nool waddanka Koonfur Afrika ayaa xalay dil ugu geystay nin Soomaaliyeed oo magaciisa lagu soo koobay Bile, kaasoo ay dilkiisa u adeegsadeen toorey

Dilka oo ka dhacay magaalada King Wilmes oo ka tirsan gobalka Eastern Cape ayaa waxaa la sheegay in dhallinyarada dilka geystay iyo ninka ay dileen dhexmaray muran ganacsi, kasoo keenay in la dilo ninkan dhalinyarada ah.

Marxuumka la dilay waxaa lagala dagay gaari uu watay, iyadoo surka looga dhuftay tooreey ama, taasoo keentay inuu isla goobta ku geeriyoodo" ayuu yiri goobjooge ku sugan magaalada uu dilku ka dhacay.

Warar aan wali si rasmi ah loo xaqiijin ayaa waxay sheegayaan in Bile qoorta looga jaray mindida, balse waxaa laga war-sugayaa booliiska oo hadda gacanta ku haya maydka wiilka dhalinyarada ah ee Soomaaliyeed.

Dhallinyaradan ayaa wuxuu murankoodu salka ku hayay meherado ganacsi oo ay ka furteen meelo isku dhow, iyadoo dalka Koonfur Afrika ay caado ka noqotay in lagu dagaalamo maxaa dukaankaaga ganacsi iigu soo dhaweysay.

 

Add comment


Security code
Refresh