Kismaayo oo ka baxday gacanta Xarakada Al shabaab PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Friday, 28 September 2012 14:44

Habeenimadii xalay saqdii dhexe ayaa maraakiibta dagaalka ee AMISOM ay xeebta ka daadiyeen ciidamo aad u tiro badan oo magaalada u weydaartay difaacyaddii Alshabaab ee magaalada banaankeeda ka difaacayey ,wararka soo baxaya waxa ay sheegayaan in magaalada ay gacanta u gashay ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda iyo Raaskaanbooni.

Wali rasaas goos goos ayaa laga maqlayaa magaalada qeybo ka mid ah, gaar ahaan xeebta, waxaana jira in ciidamdii Shabaabka ee magaalada dusheeda joogey in ay furxad ku jiraan, islamarkaasina ay ku raad joogaan ciidamaddi AMISOM ku sugnaa Janaa Cabdalla.

Ciidamada magaalada qabtay ayaa laga soo qaaday magaalada Buurgaabo, waxayna isugu jiraan kuwa Dowladda, Raaskaanbooni iyo kuwa AMISOM.

Afayeenka ciidamada AMISOM ee Kenya ka socda Cyrust Oguna ayaa xaqiijiyey in ay magaalada la wareegeen, halka afayeenka Alshabaab Cabdicasiis Abuu Muscab uu sheegey in Kenya ay ciidamada ka soo daadisey dhanka xeebta ayna la dagaalamayaan.

Madaxda ciidamada, gaar ahaan Axmed Madoobe iyo taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee dalka Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in ay shir jaraaid qabtaan saacadaha soo socda ee maanta marka meel lagu soo ogaado Xarakada Al Shabaabka.

Ogaal Radio

 

Add comment


Security code
Refresh