Tacsi : INAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Wednesday, 19 September 2012 00:14

Allaha u naxariistee waxaa caawa ku geeriyooday magaalada Nairobi ee wadanka Kenya , Maxamed Cisman Adan oo lagu naaneysi jirey (Edson) oo ahaa Qunsulka Soomaalida ee dalka Kenya.

 

Alle ha u naxariistee Qunsulka ayaa mudooyinkii Dambe Xanuunsanaa waxaana daawayn caafimaad dhowr jeer uu u aaday Dalal dhowr ah oo Talyanigu ka mid yahay. Allaha u naxariistee Maxamed Cismaa Aadan’Edson’ wuxuu ahaa siyaasi rug cadaa ah wuxuuna sanadkii 2009-tii mar isku soo sharaxay Madaxweynaha Soomaaliya. Ogaal Radio waxaan Tacsi u direynaa guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay siyaasigaas muga ku lahaa Ummadiisa, gaar ahaa waxaan Tacsi u diraynaa Reer Jigis, Reer Biixi iyo Reer Guure iyo dhamaan Ehelkiis iyo Qaraabadiisa waxaana marxuumka Maxamed Cismaan Aadan ‘Edson” Illaahy uga baryeynaa in uu janadii Fardowsa ka waraabiyo Amiin Amiin Amiin

 

Maamulka Ogaal Radio

Last Updated on Wednesday, 19 September 2012 14:04
 

Add comment


Security code
Refresh