Maxamed Axmed Cali oo ka mid ah musharixiinta ayaa ka soo horjeestay qaar ka mid ah shuruudaha gudiga shalay soo bandhigeen PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Sunday, 02 September 2012 10:12

Ka dib markii shalay Guddiga Doorashada Madaxtinimada dalka Soomaaliya ay soo bandhigeen Shuruudaha looga baahan yahay musharaxa u taagan qabashada xilka Madaxtinimada dalka Soomaaliya ayaa mid kamid ah musharaxiinta u taagan xilkaasi wuxuu qeylo dhaan ka muujiyay shuruudahaasi.

Maxamed Axmed Cali Musharaxa u taagan qabashada xilka Madaxweyninimo ee Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in qaar kamid ah shuruudahaasi sida loo dhigay ay yihiin kuwa qaldan.

Wuxuu sheegay in guddiga shuruudaha ay soo bandhigeen ay kamid yihiin inay ku jirto in qofka utartamaya qabashada xilka hogaanka dalka Soomaaliya uu leeyahay aqoon iyo waayo aragnimo balse sida uu sheegay dastuurka sidaasi uusan dhigeyn.

Musharaxa ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in lacagta Guddiga Doorashada ay soo bandhigeen ee gaaraysa 10,000$ ay tahay mid badan.

Wuxuu sheegay in arintaasi uu u arko sida uu sheegay mid loogu kordhinayo lacagta dadkii horay xilalka usoo qabtay.

Shalay ayeey aheyd markii guddiga doorashada Madaxtinimada dalka Soomaaliya ay soo bandhigeen shuruudaha looga baahan yahay musharaxa u tartamaya xilka madaxtinimada dalka Soomaaliya.

 

Add comment


Security code
Refresh