| Gudiga Doorashada Madaxweynaha Oo Soo Bandhigay Sharuudaha Musharixiinta Laga Doonayo |
|
|
|
| Written by Administrator |
| Saturday, 01 September 2012 16:45 |
|
Gudiga doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta soo saaray shuruudaha laga doonayo musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya. Sharuudahan ayuu gudiga doorashadu ka soo saaray kulan ay manta magaalada Muqdisho ku yeesheen waxaana sharuuduhu ay kala yihiin sidan:-
Afhayeenka guddiga doorashada Mudane Cismaan Libaax Ibraahim ayaa sheegay inuu weli hadhsan yahay qodob ka mid ah shuruudaha oo uu sheegay inay hor-geyn doonaan baarlamaanka ka hor intaan la shaacin maalinta berri ah. Qodobkaas ayaa ah in musharrax kasta marka u horreysaba uu taageero ka haysto ugu yaraan 20 ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka. In ka badan 25 musharrax ayaa isu soo taagay inay qabtaan xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya. Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in lagu qabto magaalada Muqdisho 10-ka bisha September.
|














