Jawaari: Doorashadu 10 Cisho Gudahood ayay Dhacaysaa PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Friday, 31 August 2012 00:00

Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa maanta yeeshay fadhigiisi ugu horreeyay tan iyo markii ay doorteen hoggaanka cusub oo ah Guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa.

Guddoomiyaha baarlamaanka Max'ed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in doorashada madaxweynuhu ay dhici doonta 7 ilaa 10 cisho gudahood.

Jawaari wuxuu sheegay in guddiga qaban-qaabada doorashada ee maanta la doortay ay iska dhex-dooran doonaan guddoon, isagoo sheegay in guddigan uu howshiisa u madax banaan yahay..

Jawaari wuxuu kaloo sheegay in guddi baarlamaan oo la magacaabayo ay ka shaqeyn doonaan muranka ka taagan xildhibaannada muranku ka taagan yahay, dhawaanna ay go'aan ka soo saari doonaan.

 

Add comment


Security code
Refresh