Maxkamada Sare ayaa hakad gelisay Go'aanka Xubnihii Loo Diiday Barlamaanka. PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Tuesday, 28 August 2012 08:48

Kulankii sare ee Maxkamada Sare maanta oo ahaa mid si aad ah loo wada sugayay, laguna waday inay go’aan ka gaadho Xubnihii ay soo celiyeen guddiga farsamada ee soo xulista Xildhibaanada cusub ee barlamanka Soomaaliya, ayaa waxaa saaka goob joog ka ahaa inta badan Xubno Maxkamadda u gudbiyay dacwad ka dhan ah guddiga Farsamada, inkastoo Mas’uuliyiinta guddiga Farsamada oo shalay Maxkamadda u yeedhay ayan kasoo qeyb gallin fadhiga Maxkamadda.

Maxkamadda ayaa ugu horeyn waxaa furay Guddoomiyaha Maxkamadda sare Caydiid Ilka-Xanaf, kaasoo furitaankiisa kaddib hadalka kooban oo uu ka jeediyay fadhiga Maxkamadda sare uu ku sheegay in kullan Muqdisho ay ku yeesheen afar ka mid ah Saxiixayaasha Soomaaliya ay awood ku siiyeen in Maxkamadda sare ay go’aan ka gaadho Xubnaha guddiga Farsamadu ay dib usoo celiyeen.

Ilka Xanaf ayaa waxa uu sheegay in dacwadda ay usoo gudbiyeen Xubnaha loo diiday inay ka mid noqdaan Barlamanka Soomaaliya dib loo dhigay in go'aan laga gaadho illaa berri 8 da subaxnimo.

Ugu dambeyntii waxaa fadhiga Maxkamadda ku sugnaa Siyaasiyiin 21-kii sano ee lasoo dhaafay saameyn kulahaa siyaasadda Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Max’ed Qanyare Afrax, Cumar Max’ed Max’ud (Cumar Fanish), Bootaan Ciise Caalin, Shiikh Aadan Max’ed Nuur(Aadan Madoobe), Xaabsade. Iyo Xubno kale oo hore ka mid noqday barlamankii hore ee Soomaaliya.

 

Add comment


Security code
Refresh