Barlamaanka Cusub Oo Doortay Gudoomiye Kumeel Gaadh Ah. PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Monday, 20 August 2012 23:02

Soomaaliya ayaa yeelatay baarlamaan cusub, iyadoo si ku meelgaar ah uu shir guddoonka u qabtay xildhibaanka ugu da'da wayn oo noqday General Muuse Xassan Sheekh.

Waa markii ugu horeysay muddo labaatan sano ka mid ee gudaha dalka Soomaaliya lagu soo xulo xildhibaanada baarlamaanka isla markaana caasimadda lagu qabto shir baarlamaan oo lagu soo dooranayo afhayeenka baarlamaanka iyo ku xigeenada iyo sidoo kale madaxwaynaha.

Guddoomiyaha ku meelgaarka ahaa ayaa sheegay in doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa ay dhacay 26 bisha.

In ka badan 210 xildhibaan ayaa maanta dhaariyay xildhibaannimo, iyagoo beri fadhigooda labaad yeelan doona.

Guddiga farsamada ee soo xulidda xubnaha baarlamaanka ayaa wali sii wadi doona howshooda dhamaystirka xubnaha baarlamaanka oo tiradoodu ay tahay ilaa 275.

General Muuse Xassan Sheekh, ayaa ah wiil uu adeer u yahay Sayid Maxamed Cabdulle Xassan.

 

Add comment


Security code
Refresh