Muqdisho,(Ogaal Radio ) Shirkii Ansixinta Dastuurka Soomaaliya oo shalay ka furmay Muqdisho. PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Friday, 27 July 2012 01:20

Shirka ayaa galay maalintii labaad, waxaana hoolka shirarka ee Iskoolka Booliska maanta fadhiistey 825 ergey, iyada oo tirada rasmiga ah ay soo dhamaytirantay maanta.

Ergada ayaa loo qaybiyey ajandaha shirka, waxaana maanta si toos ah loo guda galaya muhimada shirka iyada oo ergey kasta la siinayo nuqul kamid ah dastuurka, sidoo kale waxaa shirku yeelanayaa guddiyo kala hooseeya oo shirka haga.

Shirkan ayaa socon doona sagaal maalmood, dhanka kale waxaa weli ka taagan magaalada Muqdisho buuq ku saabsan dastuurka, iyadoo dadka qaarkiis ku doodayaan in maqaamka Muqdisho lagu xuso dastuurka, taasoo dadka qaarna ku doodayaan in aan dastuurka lagu darin xilligan ee ay u taalo Golaha sharci dejinta ee lasoo xuli doono.

 

Add comment


Security code
Refresh