| Gabay Cusub : Cali Yusuf mooyeen haday cidiba noolaato |
| Written by Administrator |
| Friday, 25 May 2012 13:21 |
|
Cali Yusuf mooyeen haday cidiba noolaato Haddii nabadda ceelkaan ku rido cidi ka soo saarto Caarad dhuubta iyo hawsarkii lagu casheysiiyo Haddaan curadyadii Reer Warfaa haaddu ku cawaysan
Cabsidiyo cidhiidhiga la bado ciilka ku abaada Haddaan Cali iyo Haaruunku noqon culumo ii haysta Colkaan geliyo Cawlyahan intaan geela ka cantoobsho Cadaadhiyo haddii aan Afdheer caydhu dalalandoolin Cabdalle iyo haddii ayn Bahgari cagaha ii maydhin Cabdilliyo Makaahiil hadduusan Ciid ka kala yaacin Camar iyo haddaan Maalinguur Nogob ka ciiryoobin Oo Ammaadin carrarkuu firxado Oromadow ciirsan Ciisiyo haddii aanan Jidwaaq maanta cidhib gooyin Haddii Awga caasiga noqdiyo culumo noolaato Midaan caayo midaan caydhiyiyo midaan casaareeyo Cagadhabka Iidoor hadduun Cadan ku luufluufin Caluuliyo haddii uun Hartigu Bari ceel waayin Haddaan care midbalow Hawiye ciidan uga dhaaran Marreexaanka Cabudwaaq fadhiya cudur hadduun taaban Caallaan ahay oo caallaa i dhalay haddaan dunidu ciirciirin.
Xigasho: Faarax Canada
Fiiro Gaar ah Idaacada Radio Ogaal iyo Maamulkuba Masuul kama aha fikirka Qorahan. |
| Last Updated on Wednesday, 06 June 2012 04:42 |














Comments