Golaha Midnimada Soomaaliyeed oo looga dhawaaqay Sweden PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Thursday, 17 May 2012 13:05

Shir socday laba maalmood oo ay kasoo qeyb galeen waxgaradka Soomaaliyeed oo ka kala yimid dalalka kala ah Soomaaliya, Kenya, Dubai, UK, Finland, Germany, Mareyklanka Norway, Australia iyo dalal kaloo badan.

Shirkan ayaa ahaa mid si weyn loogu soo bandhigay dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya, waxaana halkaasi doodo ku galay wakiiladii ka kala socday dhamaan dalalkii laga wada yimid.

Golahan dhismahiisa ayaa waxaa ay soo socotay mudo sanad ah qaban qaabadiisa iyadoo maalintii ugu dambeysayna lagu ansixiyay golaha wakiiladda rasmiga ah ee uu yeelanayo, waxaa sidoo kale halkaasi lagu dhawaaqay madaxda sare ee ururka oo lookala magacaabay

1: Enj: Cumar Maxamed Maxamuud Aftooje - Gudoomiyaha Golaha

2: Dr. Sakariye Maxamuud Xaaji Cqabdi

Golahan ayaa si weyn isugu raacay ansixinta iyadoo Goluhuna ka koobnaan doono 114 xubnood oo ku kala nool dunida dacaladeeda, Dhanka kale warmurtiyeed kasoo baxay golaha ayaa lagu sheegay in goluhu uu ka shaqeyn doono isukeenida iyo mideynta ururada Siyaasadeed ee haatan jira iyadoo isla markaasna laga duulayo hal mowqif.

Sidoo kale Golahan ayaa lagu sheegay in ay dhawaan shirweyne labaad ku qabsan doonaan gudaha Soomaaliya iyadoo aanan la cayimin goobta sida rasmiga ah ee loogu qaban doono shirkaasi balse waxaa ay sheegeen in ururkoodu uu noqon doono kii ugu horeeyay ee dalka la yimaada siyaasad hufan oo lagu joojinayo dhiiga Soomaalida ayeey sheegeen.

 

 

Add comment


Security code
Refresh