Radio Ogaal

Friday
Sep 10th
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size

Uganda: Waanu sii Wadaynaa Hawlgalada aan ka wadno Somalia

E-mail Print PDF
User Rating: / 0
PoorBest 

Madaxweynaha Uganda ayaa sheegay in waddankiisu aanu kala baxaynin ciidanka Somalia ka jooga qaraxyadii dhacay ka dib.
Taliyaha bilayska ee Waddanka Uganda Kale Kayihura ayaa sheegay in waxyaabahan qarxa oo Isniintii shalay ahayd laga helay xaafad ku taalla Magaalada Kampala ay muujinayaan in kooxaha xag jirka ah ee Al shabaab ay doonayeen in ay weeraro kale ka gaystaan Magaalada Kampala. Af-hayeen Dawlada Uganda u hadlay oo la yiraahdo Fred Pololot ayaa isaguna shaaca ka qadday in ay dawlada wadankaasi ay soo qabqabatay dad lagu tuhunsan yahay in ay qaraxyadaasi ku lug lahaayeen, laakiin af- hayeenku wax tafaasiil ah kama uu bixinin itirada dadka la qabqabtay iyo cidda ay u kala dhasheenba.

Weerarkan oo ay sheegteen ururka Al Shabaab ayaa waxaa uu ahaa kii ugu horeeyay ee ay ka gaystaan waddan kale oo ka mid ah wadamada Somalia deriska ay yihiin.

Saraakiil ka tirsan Dawlada Uganda ayaa sheeggay in Intooda badan dadka ku dhintay weeraradaasi oo ay tiradoodu dhan tahay 76 qof ay u dhasheen dalka Uganda ee laakiin dadka kale ee ku geeriyoodayna ay ka mid yihiin dad u kala dhashay wadamada Ethiopia, Congo, India iyo Maraykanka iyo Irishka.

Bilayska Uganda ayaa baaritaanka lagu samaynayo qaraxyadaasi waxaa gacan ka siinaya dambi baarayaal ka socda dalka maraykanka, iyaga oo isku dayayaya in ay ka gun-gaaraan sidii qaraxyadaasi loo soo qorsheeyay iyo sisdii loo qarxiyayba.

Dalka Uganda ayaa waxaa laga bilaabay 7 maalmood oo dadkaasi loo baroordiiqayo, waxaana hoos loo dhigay calanka wadankaasi.

Madaxwaynaha wadanka Yuganda Youweri Muzaveni ayaa cambaareeyay weeraradaasi, waxaana uu sheegay, waa sida uu hadalka u dhigaye, in wadankiisu aanu ka carari doonin hawlaha ay ka wadaan Magaalada Muqadisho.



 

Wararka Xiisaha Leh

 

VOA - Somali Service: Farhia Absie's resignation letter!

To: Somali Service, Africa Division, VOA, IBB and BBG top executives Re: Resignati...

 

How Did My DNA Make Me?

  Haven't you ever asked yourself how you got your nose, eyes, ears, fingers, toes, ...

 

Maradona's Argentina Remain a Potent Force

   By Farid OmarAs the qualifying for the FIFA 2010 World Cup slated for Sout...

 

Halgankii Xornimada Dalka iyo Kaallintii Culumaa'udiinka Soomaaliyeed.

  Taariikhda soo yaalka ah ee Dalka Soomaaliya ayaa marnaba aysan ka dahsoonayn kaallinti...

 

RUNNING AS A NATION WATCHES

Introduction ...

 

The Bomber is Alive: Shamo Carnage Revisited by Abdikarim H. Abdi Buh.

 The Bomber is Alive: Shamo Carnage Revisited By Abdikarim H. Abdi Buh December 25, 2009 ...

 

Laba Jeer Ayuu Ka Badbaaday Qunbuladii Nugliyeerka Ee Japan , Haduuna Dhintay.

  Waxaa maanta lagaga dhawaaqay dalka Japan in uu dhintay nin laba jeer ka badbaaday qunb...