
Ciidamada Alshabaab
Dagaalka Muqdisho ka socda ayaa bilaamay saakay siddeedii subaxnimo, waxaana qaaday dagaalka ciidamada dowlada iyo ciidamada AMISOM.
Dagaalka ayaa ka socda degmada Cadicasiis iyo agagaarka hotel Global.
Goobta dagaalka waxaa ku sugan Madaxweynaha Shariif Shiikh Axmed oo ay la socdaan taangiyada ciidamada AMISOM iyo Ciidamada sir doonka Itoobiyaanka..
Inta la ogyahay lix qof ayaa dagaalka ku dhintay, sagaal iyo toban qofna waa dhaawac.
Magaalada oo dhan waxaa la maqlayaa madaafiicda iyo hubka cul culus.





