Radio Ogaal

Wednesday
Sep 08th
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size

Geedi socodka Nabadda ee Dalka Soomaaliya maxaa Hortaagan?

E-mail Print PDF

Eng.Cabdulqaadir Cumar Yuusuf (Daadurey)

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Hordhaca sooyaalka taariikheed ee geedi socodka nabadda ee Dalka Soomaaliya ayaa

wuxuu u muuqdaa mid aan rajo lahayn, waxaanna loo sababeynaya Dagaallada aan

dhammaadka lahayn ee ka dhacaya Magaalo Madaxda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho iyo

qaar ka mid ah Gobolada Dalka qaarkood kuwaas oo Salka ku haya fikrado gumaysi uu ku

adeeganayo iyo kuwa Diin u nasab sheeganaya oo aan Tanaasul lahayn dhibaatooyinkani

ayaa inta badani waxay ku dhacayaan Dadka Raydka ah iyadoo weliba uu u dheer yahay

Qax, Barakac, Xasuuq, Dil, Dhac, Tahariib, iyo Tarxiil aan naxariis lahayn , hubka

Sharci darrada ah ee Dalka ku sii qulqulaya ayaa ka mid ah waxayaabaha ugu waaweyn

ee hortaagan muhiimadda Geedi Socodka Nabadda ee Dalka Soomaaliya ee ay ku howlan

tahay Hay'adda Qaramada Midoobay qaybaheeda ku sugan Dalka .

 

 

Haddaba waxaannu ognahay inay Dowaladda Itoobiya tahay Dowladda keliya ee Shirkii

baarliin kala qayb gashay gumaystayaasha reer Galbeedka markii ay Waddamada Afrika

qaybsanayeen dhul baaxad leh oo Dalka Soomaaliya ka mid ahina ay weli gacanta ku

haysato, Jamhuuriyadda Dalka Soomaaliyana Xoog dib loogaga Xoreeyay welina ay u rajo

weyn tahay inay dib ugu soo noqoto Dalka Soomaaliya .Maamuladda DFKG ahi iyo kuwa

Ismaamulka Goboleedyadana ay u yihiin kuwa u adeega Maxaysatada Itoobiya una mooday

inay horumar la jeceshahay hase ahaatee doonaysa inay gacanta ku dhigto dhammaan

Dalka Soomaaliya oo dhan si ay uga soo baxdo ballantii ay la gashay Gumeystayaasha

reer Yurub una dhammaystirto howlaheeda u gaarka ah oo aannu ognahay inay Itoobiya

aannu lahayn Bad ku xirta Dunida inteeda kale oo dhan.

 

Dowladda FKMG ahi iyo kooxaha ka soo horjeeda ee Dagaallamaya maxaa la gudboon? si

uu u dhaqan galo geedi socodka nabadda waa in marka hore labada dhinacba lagu

dhawaaqaa Xabbad joojin deg-deg ah loona saaraa guddi wada hadal oo labada dhinac ay

soo kala doortaan , guddiyadu waxay soo diyaarinayaan Qodobada ugu muhiimsan ee ay

Siyaasaddu ka cakiran tahay ee la doonayo in l;aga wada hadlo, waxaanna muhiim ah in

laysu tanaasulo sababaha iyo Xaaladaha aannu kor ku soo tibaaxnay dartood isla

markaana xanibaadda laga qaado Hay'adaha Gargaarka si ay u quudiyaan Dadka ku

dhibaataysan dhammaan Xeryaha Qaxootiga ee Dalka gudihiisa iyo kuwa Xuduudaha .

 

Golaha Baarlamaanka ee FKMG ah ee Dalka Soomaaliya ayaa waxaad moodaa inay wax ka

bedeli karaan Xaaladan murugsan ee uu Dalku ku sugan yahay , haddii ayu kabo

qaataan sababtoo ah; waxaannu ognahay inuu Baarlamaanku ka kooban yahay dhammaan

bulsho weynta Soomaaliyeed , kooxaha Dagaalamayana ay yihiin kuwa ka mid ah Shacabka

doonayana inay helaan aqoonsi Siyaasadeed oo ku dhisan Jago Madaxeed ayna haboon

tahay in Xal loo helo , Baarlamaanka FKMG ahi Shacabku wuxuu ku qabaa kalsooni aad u

weyn waana in uu soo diyaariyaa Xal u helidda Geedi Socodka Nabadda ee Dalka

Soomaaliya iyo sidii ay isu arki lahaayeen DFKMG iyo Mucaaradka.

 

Geedi socodka Nabadda ee Dalka Soomaaliya waxyaabaha hortaagani kor ayaannu ku soo

lafagurnay hase ahaatee, waxaa muhiim ah in dhallinyarada Soomaaliyeed loo helaa

Barnaamijyo cusub oo Hubka looga dhigayo loona jahaynayo mashruucyo wax soo saar oo

ay ka heli karaan nolol wanaagsan oo ay kaga mid noqonayaan bulshada inteeda kale ee

aan hubaysnayn , sida Waxbarashada , Kalluumaysiga , Beeraha iyo Wax soo saarka ,

Burcad Badeeda waa in loo helaa Mashaariic horumarin lagu badbaadinayo naftooda iyo

tan ay Dhibaatada u geysanayaanba Dowladduna ay Xal deg-deg ahi u hesho Maraakiibta

Ajaanibka ah ee Sunta iyo Qashinka ku Daadinaya Xeebaha Dalka iyo Sharci darraba uga

Kalluumaysanayo , Burcad Badeedana looga digo inay Meherad ka dhigtaan Bucadnimo iyo

Baad qaadasho aan kala sooc lahayn oo joogto ah.

 

Gabagabadii iyo faalladani ku saabsan Geedi socodka Nabadda ee Dalka Soomaaliya

maxaa Hortaagan? ayaa waxaannu talo iyo turxaan bixin ugu soo jeedinaynaa dhammaan

dhinacyada iskaga soo horjeeda Siyaasadda Dalka Soomaaliya inay isu Tanaasulaan

dagaallda iyo dhiiga qubanaayana joojiyaan una turaan Shacabka raydka ah maatida ,

Carruurta ,Haweenka iyo Dadka Da'da ah ee aan u adkaysan karin Madaafiicda aan loo

meel dayn ee lala beegsanayo goobaha ay Dadka raydka ahi degan yihiin , horumarku

wuxuu ku jiraa inaannu u noqono Kitaabka alle ee Xaqa ah , kana qayb qaadanno

dhammaanteen barnaamijka dhabta ah ee Geedi socodka Nabadda ee Dalka lagu

hormarinayo.

 

 

 

Last Updated ( Saturday, 03 April 2010 12:55 )  

Wararka Xiisaha Leh

 

VOA - Somali Service: Farhia Absie's resignation letter!

To: Somali Service, Africa Division, VOA, IBB and BBG top executives Re: Resignati...

 

How Did My DNA Make Me?

  Haven't you ever asked yourself how you got your nose, eyes, ears, fingers, toes, ...

 

Maradona's Argentina Remain a Potent Force

   By Farid OmarAs the qualifying for the FIFA 2010 World Cup slated for Sout...

 

Halgankii Xornimada Dalka iyo Kaallintii Culumaa'udiinka Soomaaliyeed.

  Taariikhda soo yaalka ah ee Dalka Soomaaliya ayaa marnaba aysan ka dahsoonayn kaallinti...

 

RUNNING AS A NATION WATCHES

Introduction ...

 

The Bomber is Alive: Shamo Carnage Revisited by Abdikarim H. Abdi Buh.

 The Bomber is Alive: Shamo Carnage Revisited By Abdikarim H. Abdi Buh December 25, 2009 ...

 

Laba Jeer Ayuu Ka Badbaaday Qunbuladii Nugliyeerka Ee Japan , Haduuna Dhintay.

  Waxaa maanta lagaga dhawaaqay dalka Japan in uu dhintay nin laba jeer ka badbaaday qunb...