
Xoghayaha Warfaafinta Xisbul Islaam Maxamed Macalin Cali ayaa ka dhawaajiyey in Xisbigooda uu Aqoonsan yahay Calanka Soomaaliya, isagoo sheegay in Qarannimada Soomaaliya ay tahay mid Waajib ah Gaashaankana u daruuray Hadalkii dhawaan ka soo yeeray Xarakada Alshabaab!!
Xoghayaha ayaa dhanka kale ka hadlay Duullaan DKMG ah iyo Ciidamada AMISOM ay qorsheynayaan in ay ku soo qaadaan Fariisimahooda waxana uu yiri "Waan la soconnaa hadal heynta ah in Ciidamada Cadawga ay duulaan ku soo yihiin deegaannada Mujaahidiinta, Waana ka hortageynaa" Wuxuuna intaa ku daray in Ciidamadooda Heegan la geliyey Dagaalna ay u diyaargaroobeen.
Maxamed Macalin ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda ay isla qorsheeyeen abaabul dagaal oo ay ku soo qaadaan magaalada Muqdisho oo idil iyo deegaannada loo barakacay, Wuxuuna ku Nuuxnuuxsaday in Xaggooda aaney wax Walwal ah ka qabin oo ay Burburin doonaan Ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM.





